Jaaliyadda oo bilaaabeysa Läksykerho loogu talo-galay ardayda dhigata dugsiga dhexe

OGEYSIIS!

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turku iyo nawaaxigeeda waxaa ay qaban-qaabineysaa läksykerho loogu talo-galay in ardayda dhigta dugsiga dhexe (peruskoulu) looga caawiyo casharada dhamaan maadooyinka uu fahamkooda ku yara adag yahay.

Aqoon-kororsigan dheeriga ah waxuu gaar ahaan anfacayaa ardayga raba:

–         in laga caawiyo leylisyada iskuulka ama u baahan in uu weli faham buuxa ka helo mowduucyada uu horay usoo  qaatay  sida qaab-dhismeedka ama isku xirka luuqadaha, xisaabta, fahamka ereyada iwm.

–         in uu si fiican isugu diyaariyo imtixaanaad iskuulka.

–         in uu siyaadsado khibrado ama fekrado u sahli waxbarashada.

Waxbarashadan dheeriga waxaa lagu qabanaya xarunta cusub ee jaaliyada ee cinwaankeedu yahay Pernontie 29 A (Pansio) maalmaha isniin –  khamiis saacadda 09:00 – 14:00. Maalmaha jimcaha iyo axadda saacadda 15:00 – 18:00 Koorsadu waxay bilabmeysaa 21.11.2013.

Waxbarashadan waxaa loogu talo-galay oo kaliya ardayda dhigada dugsiga dhexe.

Wixii macluumaad dheeri ah fadlan kala xiriir:

Aweys Mohamed tel. 044 – 9990 290

Ka faa’ideysi wacan!!