Kusoo dhawaada furitaanka xafiiska cusub ee jaaliyadda turku iyo nawaaxigeeda

Ururka jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Turku iyo nawaaxigeeda wuxuu idiinku bishaaraynayaa inuu furayo xafiis wayn oo laga helayo dhamaan adeegyada ay u baahan tahay ummadda soomaaliyeed.

Adeegyadaasi oo noqon doona kuwo anfacaad badan leh mustaqbalka dhaw iyo kan dheerba.

Hadaba si aad adeegyadaasi uga faa’iidaysato ama uga faa’iidayso cid u baahan, waxaan kugu marti qaadanaynaa inaad nagala soo qaybgasho xaflada furitaanka Xafiiska cusub Ee Jaaliyada Somalida Turku iyo nawaaxigeeda.

Xaflada furitaanku waa mid si maqaamsare ah loo diyaariyey loogana baaran dagay ayna kasoo qayb gali doonaan marti sharaf iyo waxgaradka kale duwan ee qeybaha bulshada.

Dhamaan golaha jaaliyada Länsi-Suomen Somaliseura ry waxey si gacmo furan idinku soo dhaweynayaan furitaanka xafiiska cusub ee jaaliyada.

Soo dhawaada, mininka mininkiina waaye!

Goobta: Pansion koulu, Pernontie 29, A 20240 Turku
Taariikhda: 30.11.2013
Saacadda : 15.30-18.00

%d bloggaajaa tykkää tästä: