Howl-wadeenada jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turku iyo nawaaxigeeda waxay ku baraarujinayaan isla markaana xasuusinayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed in ay jiraan buugaag tiro badan oo caalami iyo maxali isugu jira oo ku qoran afkaaga hooyo oo aad ka heli karto maktabadda weyn ee Turku (turun pääkirjasto). Buugaagtani waa kuwa runtii cilmi iyo fekrado badan aad ka dhaxli karto waxayna runtii mudan yihiin in laga faa’ideysto. Hadaba haddii aad xiiseyneyso in aad AFKAAGA HOOYO hormariso isla markaana sharafkiisa iyo sumacadiisa kor u qaado fadlan badi akhrinta iyo qaadashada buugaagta Soomaaliyeed ee yaala maktabada Turku.
FIIRO GAAR AH: Buugaagta afka Soomaaliga ku qoran waa kuwa ugu qaadashada iyo aqrinta yar maktabada. Hadii aan kordhino akhrinta iyo qaadashada buugaagta Soomaaliga ku qoran waxaan suurta-gelineynaa in maktabada ay soo qaadato buugaag kale oo afkeena hooyo ku qoran.