Haluan kiittää kaikkia niitä henkilöitä, laitoksia ja virastoja sekä viranomaisia yhdessä tehdystä työstä. Luotan siihen, että kumppanuutemme ja yhteistyömme vahvistuu ajan myötä.
Uuden hallinon tehtävä kuluneena vuonna on ollut kaksijakoinen. Ensinnäkin jatkaa yhdistyksen toimintaan ja toiseksi suunnitella uusi strateginen suunnitelma parantamaan yhdistyksen yleistä suorituskykyä. Minulla on ilo tässä yhteydessä ilmoittaa että paljon on tehty ja saavutettu huolimatta monista haasteista. Minun täytyy myös korostaa, että on liian paljon vaakalaudalla meille kaikille. Vaikka potentiaalimme on suuri, näyttää siltä, että meidän moraalinen, emotionaalinen ja älyllinen lahjakkuutemme ovat uhattuina hajottavilla oletuksilla, jotka palvelevat sosiaalisten ja kulttuurillisten stereotypioiden perustelua ja vahvistamista, joka jatkaa sosiaalisen epäluottamuksen leviämistä keskuudessamme.
Yksi syistä on, että integroituminen ja osallistuminen on usein odotettu vain ja ainoastaan maahanmuuttajien yhteisöltä, vaikka se ei rajoitu vaan heille. Tämä tekee yhdentymisestä tehottomamman ja jättää monet ihmettelemään, voivatko he koskaan nähdä todellista yhdentymistä joka perustuu hyväksymiseen ja tunnustamiseen, täyttä ja aktiivista osallistumista ja ennen kaikkea keskinäistä ymmärrystä. Nämä ja monet muut asiat kuten rasismi ovat realiteettit jotka meidän kaikkien on kohdattava. Jos jätämme ne huomiotta, jos emme ota niitä vakavasti tai lakaisemme ne maton alle, katsomme toimettomana ja odotamme huolestuneesti mitä tulee tapahtumaan tulevaisuudessa, otamme riskin. Otamme valtavan riskin turmella arvomme, potentiaalimme, luovuutemme ja näkemyksmme ihmisinä ja yhteisönä kokonaisuudessaan.
Kaikki nämä eivät tapahdu, koska olemme epätoivoisia tai lohduttomia. Aivan liian usein, kaikki nämä tapahtuu, koska emme voi kyseenalaistaa. Emme myöskään voi rakentaa, purkaa ja uudelleenrakentaa uskomuksiamme ja näkemyksiämme kohti meitä ympäröivien todellisten realiteettien kokonaisvaltaisempaa ymmärrystä. Meillä kaikilla on oma roolimme paremman yhteisön ja yhteiskunnan rakentamisessa. Meidän täytyy työskennellä kovasti vahvan työmoraalin maineen kehittämiseksi, äänemme ja panoksemme kuuluville ja näkyville saamiseksi. Meidän tulee myös kehittää tunnetta että olemme osan yhteiskuntaa, olla aktiivisia osallistujia ja vastuullisia kansalaisia. Kuten todettu, vastaanottava yhteiskunta ei ole poikkeus.
Suomalaisen yhteiskunnan täytyy myös omaksua osallistumisen ja hyväksynnän omalta puoleltaan. Tiedän ja tunnustan, että haasteet ovat suuria ja että kaikki nämä tulevat kompromissina. Mutta tiedän, että edistyminen on mahdollista. Uskon vahvasti, että se ei ole vain mahdollista, mutta että edistyminen on tarpeellista. Siksi meidän täytyy nousta ylös ja kohdata todellisuus, välttää mahdollisimman tarkoin stereotypioiden käyttämistä ennakkoluuloina. Siksi meidän tulee työskennellä kovasti toistemme hyväksymiseksi, edistää ja olla aktiivisia osallistujia sekä vastuullisia yhteisen yhteisön kansalaisia.
Sellainen elämäntapa ja yhteisö jossa haluamme elää samoin kuin haluamamme tulevaisuus ei tule jos me vain jäämme äänettömiksi tai sanomme ”ei” toiminnalle. Sen sijaan tavoittelemamme elämäntapa voidaan saavuttaa suuntaamalla toimintamme heijastamaan pyrkimystämme paremmasta nykyisyydestä ja huomisesta.
Suomi on suurten mahdollisuuksien maa ja edelläkävijä monilla aloilla. Itse asiassa Suomi voi olla myös edelläkävijä hyvän kulttuurien yhdentymisen esimerkin taonnassa. Mutta sen aikaansaaminen ja haluamamme tulevaisuuden rakentaminen on meistä kiinni.
Hyvää uutta vuotta!
Abdishakur Ali
Puheenjohtaja
Länsi-Suomen Somaliseura ry
Somali: Dhabaha horumarka
Waxaan jeclahay marka hore in aan u mahad celiyo dhamaan shaqsiyaadka, hay’adaha iyo wakaaladaha dowladda, kuwaas oo aan si wada jir ah u wada shaqeynay. Waxaan ku kalsoonahay in wada shaqeynteenu ay sii kordhi doonto mustaqbalka.
Hadafka wax qabadkeenii sanadkii tagay ee maamulka cusub wuxuu uu isugu jiray laba qeybood. Ugu horeyn, in aan sii wadno howlaha ururka, marka labaad, aragtiyeenta iyo dejinta istaraatiijiyad iyo qorsho howleed cusub si loo hormariyo waxqabadka ururka. Waxaa sharaf iyo farxad weyn ii ah in aan ku dhawaaqo in wax badan ay suuroowday in la qabto lana hergeliyo, inkastoo ay jireen caqabado badan oo nasoo wajahay. Taas marka aan ka gudbo, waxaa kaloo jira arrimo badan oo ahmiyad iyo misaanba leh oo dhamaanteen ina wada khuseeya oo u baahan aragti iyo feker mideysan. Inkastoo rajadeena ay wayn tahay; waxaa muuqata in niyaddeenu, dareenkeenu iyo tayada maaankeenu ay khatar ku yihiin waxyaabo badan oo inta badan maleyn iyo waxyaabo aan sal laheyn ku dhisan kuwaas oo sii xoojinaya fekradaha qaldan ee xagga dhaqanka iyo bulshaba isugu iskugu jira kuwaas oo kusii fidaya dhexdeena isla markaana is aaminaad la’aan abuuraya.
Inkastoo ay ayaan darro tahay in inta badan is-dhexgalka iyo qeyb ka noqoshada bulshada laga fisho bulshooyinka u soo haajiray wadankan halka aysan iyaga kaligood ku xidhneyn. Tani waxa ay ka dhigaysaa is-dhexgalka mid ay saameentiisu yar tahay, waxayna dad badan ku reebeysaa feker goorta ay arki doonaan is-dhexgal dhab ah oo ku saleysan aqbalaad ama aqoonsi iyo ka qaybgal buuxa oo ay ugu sii muhiimsan tahay faham-wadaag buuxa oo heer bulsho ah. Arrimahaan iyo arimo kale oo ay cunsiriyaddu ku jirto ayaa ah xaqiiqooyinka dhabta ah ee aan u baahanahay in aynu dhamaanteen kawada dhiidhino. Hadii aan iska indha tirno arimahani, hadii aanaan u qaadan si dhab ah ama aan inta badan daboolno oo aan sugno in mustaqbalka ay hagaagi doonaan, waxay sharaf dhac ku tahay dadnimadeena mid shakhsi iyo mid bulshaba.
Arimahan oo dhan uma dhacayaan sida in aan nahay rajo beel ee laakiin waxa ay u dhacayaan sababtoo ah ma awoodno in aan su’aalno ama aan dib u dhisno aragtiyooyin keena iyo waxyaabaha aan rumeysanahay si aan u helno faham dheeraad ah oo dhamaystiran oo ka tarjumaya xaqiiqooyinka dhabta ah ee nagu hareereysan. Waa in aan dhamaanteen door wanaagsan ka qaadanaa dhisidda bulsho wanaagsan. Waxaan u baahanahay shakhsi ahaan iyo bulsho ahaanba in aan howl culus qabano; hormarino mushtamaceena, la imaano hami iyo daacadnimo shaqo, codkeenna iyo wax qabad keena aan ka dhigno mid la maqli karo lana arki karo, horumarino dareenkeena iyo aaminsanaanteena qeyb ka ahaanshaha bulshada wadankan, in aynu noqono dad firfircoon iskuna aragno muwaadiniin masuul ah. Mushtamaca Finnishka ah kama reebna dabcan. Waxaa iyana dhankooda looga baahan yahay aqbalis iyo is-dhexgal dhankooda ah. Waan dareemi karaa waanan ogahay oo qirsanahay in caqabado ay jiraan iyo in waxyaabahani oo idil ay ku imaan karaan dulqaad. Laakiin waxaan sidoo kale ogahay in horumar in laga sameeyo ay macquul tahay sababtoo ah waxaan aaminsanahay in taasi ay suurto gal tahay oo horumarku uu daruuri yahay.
Sidaas awgeed waxaan u baahanahay inaan u istaagno oo aan aragno xaqiiqada, kana foojignaano ilaa heerka ugu sareeya fekradaha qaldan ee ku dhisnaan kara naceyb ama xaqiiqooyin aan jirin, taasina waa sababta aynu ugu baahanahay in aynu si adag ugu shaqeyno in aynu is aqbalno iyadoon kala duwanaanshaha la eegeynin. Sidoo kale sidii aan gacan uga geysan laheyn sidii aan u noqon laheyn bulsho firfircoon iyo muwaadiniin masuul ah oo ka mid ah bulshada caadiga ah.
Hadaba nooca nolosha, bulshada iyo mustaqbalka aynu dooneyno inaan ku noolaano laguma sameyn karo si sahal ah sida in la iska jiifo ama aan wax dhaqdhaqaaq ah la sameynin laakiin waxaa badalkeed lagu gaari karaa in aan muujino ficilo ka tarjumaya hamigeena maanta iyo hadafkeena mustaqbalka.
Ugu dambeyn waxaan kusoo gunaanadayaa:
Finland waa wadan aad u fursado badan oo waxyaabo badan aduunka ku horeeya sida waxbarasho iyo caafimaad tayo sare leh oo weliba bilaash ah, amni iyo nidaam cadaaladeed iyo waxyaabo kale oo badan oo bulshada muhiim u ah. Run ahaantii, dalkani waxaa uu sidoo kale horseed iyo tusaale wanaagsan u noqon karaa marka laga soo tago waxyaabaha aan kor kusoo xusay xagga is dhex-galka iyo xadaaradda dhaqamada kala duwan aduunka. Su’aashu waxay hadaba tahay mustaqbal ceynkee ah beynu dooneeynaa in aanu wadankan ku yeeleno? Door intee la’eg se baynu dooneynaa in aan ka qaadano bulshada aan dooneyno in aan ku dhex noolaano?
Waxaan inoo wada rajeynayaa sanad wanaagsan iyo mustaqbal wacan.
Abdishakur Ali
Guddoomiyaha
Jaaliyadda Soomaliyeed ee Turku & nawaxigeeda
English: The way foreword
I would like to thank all of those individuals, institutions and government agencies that we have worked together with. I am confident that our partnership and cooperation will grow stronger with time.
Our last year’s task as the new board of the association has been two-fold. First one was to continue the activities of the association, and the second was to envision a new strategic plan to improve the overall performance of the association. I have the pleasure of announcing that a lot has been done and achieved despite many challenges. I must also stress that there is too much at stake for all of us. Although our potential is great; it seems that our moral, emotional and intellectual qualities are threatened by unconstructive assumptions that serve to justify and reinforce our social and cultural stereotypes and regrettably continue to spread societal distrust amongst us.
One of the reasons is that integration and participation is often expected only and exclusively from the immigrant communities, while it is not only limited to them. This makes integration less effective and leaves people wondering whether they could ever witness true integration based on acceptance and recognition, full and active participation and above all mutual understanding.
The reason why it happens is not us being hopeless or desperate. Far too often, it happens because we are not able to question. Neither can we construct, deconstruct and reconstruct our views beliefs in a more comprehensive understanding of the true realities surrounding us. All of us have a role to play in building a better community and society. We need to work hard to develop a strong reputation of work ethic, make our voice and contribution heard and visible. We also need to develop a sense of belonging – believe as part of the society, be active participants and responsible citizens. As it has been mentioned, the host society is no exception.
The Finnish society too needs to embrace participation and acceptance on their side. I know and confess that challenges are great and that all of them come with compromise. Still I know that progress is possible. I strongly believe that it’s not only possible but that progress is necessary. That’s why we need to stand up and face the reality. We need to avoid in the highest possible terms to apply our stereotypes as prejudices. That’s why we need to work hard to accept each other, contribute and be active participants and responsible citizens of one common society. The way of life and the society we want to live in as well as the future, will not come if we simply remain silent or say “no” to act. Instead, the way of living we are aspiring to, can be achieved by making our actions reflect upon our intentions of better today and tomorrow.
Finland is a country of big possibilities and a pioneer of many areas. Indeed it can be a pioneer in forging a good example of cultural integration too. But it is up to us to make it happen and build the future we want.
Happy new year!
Abdishakur Ali
Chairman
The Somali association of western Finland