Ma dooneysaa in horaanta sanadkan cusub ee 2014 aad adiga iyo caruurtaadaba dalxiis tagtaan oo aad waqti qiimo badan soo wada qaadataan? Hadaba haddii ay jawaabtaadu HAA tahay, jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turku iyo nawaaxigeeda waxay dhamaan qoysas Soomaaliyeed ku wargelineysaa in ay qaban qaabineyso dalxiis (leiri) saddex maalmood ah oo la baxayo jimce ilaa axad.
Ujeedada dalxiiskan loo qaban qaabiyay waxay tahay in qoysaska Soomaaliyeed ay nashaad iyo nasasho soo qaataan muddo saddex maalmood ah oo hooyooyinka ay ka nastaan cunto karinta iyo howlaha kale ee la xiriira guriga iyo xanaanada caruurta. Sidoo kale in aabayaasha iyaguna ay fursad u helaan in ay nastaan isla markaana fekrado iyo wadasheekeysi la yeeshaan dhigooda kale. Da’yartuna dabcan kama marna! waxay iyaguna fursado u heli doonaan in ay la sheekeystaan dhalinta kale kana faa’ideysaan barnaamijyo kale oo si gaar ah iyaga loogu talo galay. Hadaba haddii aad xiiseyneysaan, fadlan isku diiwan geli si deg deg ah. Tirada loogu talo galy leiri-ga waa sodon iyo lix (36) qofood.
Leiriesite ( Riix halkaan si aad file ahaan ugu furato)
QIIMAHA:
- 2 – 17 jir = 45.60 € (waxa ku jira cunada)
- 18 jir iyo wixii ka weyn = 52.50 € (waxa ku jira cunada)
BARNAAMIJYADA:
- Barnaamijyo kala duwan oo loogu talo galay dhalinta da’da yar sida: madadaalo, kadis, xal-xiraale, game, sport, sauna, xirfad kororsi, free time, iwm.
- Barnaamijyo loogu talo galay waalidiinta sida: doodo iyo wada sheekeysi furan, tababaro aqoon is-weydaarsi iyo kororsi ah, casharo diini ah, sport, suuna, iwm.
TAARIIKHDA:
28 – 30.3.2014
GOOBTA:
Kunstenniementie 233, 21130, Poikko
IS-DIIWAAN GELINTA:
Bilaabaneysaa: 15.01.2014
Dhamaaneysaa: 10.02.2014
Fadlan buuxi foomka hoose kuna qor macluumaadka loo baahan yahay oo idil (qoyskiiba hal qof ayaa u buuxin kara iyadoo magacyaada qeybta ugu dambeysa ee foomka lagu qorayo magacyada xubnaha kale ee qoyska). Fadlan fiiro gaar ah u yeelo waqtiga ay is-diiwaan gelintu xermeyso.
Buuxi foomkan:
Faah-faahin dheeraad ah kala xiriir:
Abdishakur Ali tel. 0443449664
Yusuf Hassan tel. 0400872611