Barnaamij feker iyo aqoon is weydaarsi ah oo ka bilaabanaya jaaliyadda

Kusoo dhawoow oo kasoo qeybgal barnaamij feker iyo aqoon is weydaarsi ah oo bil walba khamiista ugu dambeysa lagu qabanayo xarunta jaaliyadda saacadda 16:00 galabnimo.

Waxan gacmo furan kusoo dhaweyneynaa qof kasta oo xiiseynaya in uu fekerkiisa, dareenkiisa, iyo waayo-aragnimadiisa la wadaago walaalaha kale ee soomaaliyeed.

Barnaamijkan waa barnamaij inta badan diirada lagu saari doono falanqeynta, feker is dhaafsiga iyo ka doodida arimaha taagan ee bulshadeena. Waxaa barnaamijkan qeyb weyn ka qaadan doono oo aragtidooda iyo cilmigooda la qeybsan doono aqoonyahanada iyo waaya araga bulshadeena.

Qof walba fekerkiisa waxaa la siin doonaa tixgelin buuxda si loo abuuro jawi furan oo isku dheelitiran oo ilbaxnimo iyo kala faa’ideysi ku dhisan.

Kasoo qeyb gal wacan.

%d bloggaajaa tykkää tästä: