Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turku iyo nawaaxigeeda waxay qaban-qaabineysaa kooras luuqada finish-ka ah oo bilow iyo heerka dhexaad ah oo loogu talo-galay dadka aan horay usoo dhigan luuqadda finish-ka ah ama wax yar u bilaaban yihiin.
Kooraskan waxuu gaar ahaan anfacayaa qofka raba:
- in laga caawiyo barashada luuqada gaar ahaan qaab-dhismeedka iyo isku xirka aas-aaska luuqada iyo sidoo kale fahamka ereyada iyo dhaqanka bulshada Finish-ka.
- isla markaasina raba in uu la kulmo dad cusub (saaxiibo cusub oo xaga luuqada ah)
Kooraska waxaa lagu dhigayaa xarunta jaaliyada ee cinwaankeedu yahay pernontie 29, Pansio maalmaha isniinta, talaadada iyo khamiista saacadda 17:00 – 20:00. Koorsadu waxay bilabmeysaa 18.4.2016.
Diiwaangelintu waxay ku egtahay 15.4.2016 waxaana la qaadan doonaa 15-ka arday ee diiwangelinta ugu horeysa sameeysa! Koorsadu waa bilaash da’na kuma xirna!!
Wixii macluumaad dheeri ah fadlan kala xiriir:
Yusuf Hassan, tel. 0400872611