Bandhiga buugta Soomaaliyeed oo bishan lagu qabanayo magaalada Turku

Magaalada Turku ayaa sanadkan mar kale lagu qabanayaa bandhiga buugaagta Soomaaliyeed oo 10 sano jirsaday. Bandhigu waxaa uu socon doonaa laba maalmood oo xiriir ah waxaana lagu qaban doonaa laybareeriga weyn ee magaalada Turku 30-31.5.2014.

  • Jimcaha saacadda 12:00 – 18:00
  • Sabti saacadda 10:00 – 15:00

Bandhiga waxaa lagu soo bandhigi doonaa in ka badan 200 oo buug oo kala duwan oo ku qoran AFKA Soomaaliga. Bandhigani oo runtii ah mid aad u qiimo badan oo weyneynaya magaca iyo sumcadda afkeena hooyo ayaa runtii ah mid inaga mudan in aynu dhamaanteen ka wada faa’ideysano. Bandhiga buugaagta waxaa sii dheer sheekooyin iyo casharo ballaaran oo afkeena hooyo lagu aqrin doono.

 

 

%d bloggaajaa tykkää tästä: