Jaaliyada Somaliyeed ee Galbedka Finland oo soo gabagabeysay cayaarihii K/C ee xiliga qaboobaha

Cayaaraha tartamada kubada cagta ee sanadka kasta xilligiga qaboobaha lagu qabto magaalada Turku ayaa sanadkan 2014-ka si rasmi ah loogu gabagabeeyay magaalada Turku. Tartankan oo mid saddex geesood ahaa ayaa waxaa si gaar gaar ah ugu baratamayay dhalinyarada, dhalinyarada cuslaatay iyo caruurta yar yar.

Tartamadan oo ahaa kuwo aad u xiiso badnaa kana duwanaa kuwii sanadkii hore xagga maamulka iyo qabanqaabada ayaa waxaa kasoo qeyb galay kooxo badan oo ka dhisan gobolka iyo kuwo ka yimid gobolada kale ee dalka iyo taageerayaashooda.

Madaxa gudiga sports-ka ee jaaliyadda Abdirahman Omar Elmi oo ka warbixinayay habsamidii uu ku dhacay tartanka ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay guddiga qabanqaabada tartanka dadaalkoodii iyo kartidii ay ku maamuleyn koobka. Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay maamulka jaaliyadda kaalinta muuqata ee ay had iyo jeer ka geystaan taageerida iyo hormarinta sports gobolka.

Waxay aheyd markii ugu horeysay ee sidan oo kale loo qabto tartanka kubada cagta ee qaboobaha sababtoo ah waxaa jirtay wada shaqeyn fiican oo u dhaxeysay maamulada kooxaha iyo guddiga sportska, waxaa sidoo kale la dhameystiray diyaarinta sharciga kubada cagta ee gobolka iyadoo isla markaana loo qeybiyay dhamaan maamulada kooxihii kasoo qeyb galay tartanka, waxaa sidoo kale cayaaraha dhex-dhexaadinayay aarbiirtare Finnish ah iyadoo sidoo kalana ay booliisku kor kala socdeen tartanka. Runtii waa wax lagu farxo iyo hormar laga gaaray dhanka maamulka sports-ka ayuu kusii daray hadalkiisa Abdirahman Omar.

Dhanka dhalinyarada waxaa koobka ku guuleystay kooxda Old Boys, dhanka cayaartooyda cuslaatay waxaa koobka qaaday kooxdii ka socotay Lauste iyo sidoo kalana ay dhanka caruurta yar yar ay Lauste ku guuleysatay. Biladaha iyo abaalmarinada waxaa loo bixayay sida tan:

Gudigii qaban qaabada tartanka:
Abdullahi Mohamed Nur
Hasan Bariise
Caawiyayashii qaban qaabada tartanka:
Abdullahi Black
Sharafudiin

Tababarayaashii ugu fiicnaa:
Liiban Ali (U17)
Sayid bakar (Varisuo)
Ismaciil (Old boys)
Anas Abdirahman (Suikilla)

Aarbiirtarayaashii ugu fiicnaa:
Pekka Toivonen
Mowliid Ciise
Carlos

Gooldhaliyayaashii ugu goolasha badnaa:
Yuusuf Abdisalam (Old boys)
Shiine (Lauste)
Yahye Xaaji Wacdi (Suikilla)

Cayaaryahanadii ugu asluubta badnaa:
Jeekey (Kaarina)
Kahiye (Halinen)
Yahye (Lauste1)
 
Xidigihii tartanka:
Sacad ibrahim (S.land)
Japan (Lauste)
Yahye (Lauste1)