Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ka qeybgashay suuqa fursadaha ee magaalada Turku

Magaalada Turku waxaa shalay lagu qabtay suuq loogu magac daray suuqa fursadaha (mahdollisuuksien tori) kaas oo looga hadlayay sidoo kale mowduuc ku saabsan dhalinyarada iyo shaqada. Ugu yaraan afartan urur iyo hay’ado kala duwan ayaa kasoo suuqaasi. Soomaalida waxaa suqaasi uga qeyb galay dalada jaaliyada Soomaaliyeed ee magalaada Turku iyo nawaaxigeeda iyadoo halkaasi kusoo bandhigtay hidaha iyo dhaqanka iyo weliba qaar ka mid ah cuntooyinka fudud ee Soomaalida.

Xamaasadda suuqa oo aheyd mid aad u sareysa ayaa waxaa ka mid ahaa waxyaabaha ay dadku sida aad ka ah ula dhaceen hidaha iyo dhaqanka iyo cuntada Soomaaliyeed ee halkaasi lagu soo bandhigay.

Waxaa sido kale xusid mudan in xubnihii ka hadlayay mowduuca dhalinyarada iyo shaqada uu ka mid ahaa Calas Cali oo hada ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Turku isla markaana horay u ahaa gudoomiyihii hore ee dallada jaaliyadda Soomaaliyeed ee galbeedka Finland.

Guud ahaan marka la isku soo duuduubo barnaamijka suuqa fursadaha waxaa uu ahaa mid aad u xiiso badan si wanaagsana ku dhamaaday.

Kuvaesitys vaatii JavaScriptin.

 

%d bloggers like this: