Shirweynaha doorashada hoggaanka jaaliyadda oo dhici doono 16.10.2014.

Dhamaan jaaliyadda Soomaaliyeed mag. Turku iyo nawaaxigeeda waxaa lala socodsiinayaa in shirweynaha doorashada hoggaanka jaaliyadda uu dhici doono 16.10.2014.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa bisha December ee sanadkan ku eg xiligii loo igmaday in ay hayaan hogaanka jaaliyadda maamulka hadda jira sidaasi darteedna loo baahan yahay in la doorto hoggaan cusub.

Hadaba, waxaa jaaliyadda si xushmad leh looga codsanayaa in ay kasoo qayb galaan shirweynaha doorashada hogaanka jaaliyadda oo dhici doona taariikhda kor ku xusan.

Goobta shirka uu ka dhicidoono waa  Vanha Hämeentie 105, 20540 Turku, Saacadduna  waa 16:00 PM (FG: goobtu waa halkii hore ee lagu qaban jiray xaflada 1da Luulyo ee xafada Nummi)

KASOO QEYBGAL WACAN!

 

 

 

%d bloggaajaa tykkää tästä: