Daladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gableedka Finland oo dooratay hogaan cusub

Dalada jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galbeedka Finland ayaa hogaan cusub ku dooratay shirweynihii doorashada iyo waxqabadka maamulka jaaliyadda kaas oo bishan 16-keedi lagu qabtay magaalada Turku.

Doorashada oo ay kasoo qeybgaleen ku dhawaad ilaa 150 qofood oo ka mid ah xubnaha jaaliyadda ayaa lagu doortay hogaanka maamulka cusub ee shaqeyn doona mudada labada sano ee soo socota 2015-2016.

Shir-gudoonka doorashada ayaa gunaanadkii doorashada ku dhawaaqay natiijada doorashada oo qaab ahaan u dhacday laba wareeg.

Gudoomiyaha cusub ee jaaliyadda ayaa loo doortay Maxamad Khaliif halka xoghayaha guud loo Abdishakur Ali oo iminka ah gudoomiyaha jaaliyadda iyadoo Sagal Mohamud Ali loo doortay hantidhowraha cusub. Sidoo kale xubnaha maamulka cusub ee la doortay waxaa ka mid ah Yusuf Hassan, Abdinasir Omar Elmi, Aweys Mohamud iyo Abshir Ali.

Xubnaha maamulka cusub ayaa shaqadooda si buuxda u bilaabi doona sanadka 2015-ka.

Kuvaesitys vaatii JavaScriptin.

%d bloggers like this: