Qoraa Nura Farax oo beri kusoo beegan Turku

Qoraa Nuura Faarax oo ah gabadhii ugu horeysay ee buug ku qorta dalkan Finland ayaa 29-ka bishan tobanaad kusoo began magaalada Turku. Nura Farax waxaa ay qortay buug sheeko oo aad u xiiso kaas oo loogu magic daray ”Gabdhihii Reer baadiyaha” ayaa ka sheekeynaya nolosha reer guuraaga iyo hab-dhaqanka Soomaalida.

Nura Farax ayaa ka hadli doonta barnaamj taxane ah oo ay magaalada Turku soo qabanqaabisay kaas oo lagu soo bandhigayo buugaagta iyo sheekooyinka kala duwan ee dadka asalkoodu ajnabiga yahay ku qoraal dalka Finland.

Nura Farax waxaa ay buugeeda cusub ku aqrin doontaa laybareeriga weyn ee magaalada saacadda 18 – 19:30. Kasoo qeyb-gal wacan. Fadlan gaarsii sidoo kale asxaabtaada iyo reerkaaga iyo weliba cid kasta oo xiiseyneysa dhaqanka iyo suugaanta Soomalida.

%d bloggaajaa tykkää tästä: