Assalaamu Caleykum,
Dalada jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galbeedka Finland (LSSRY) waxay halkaan salaan qiimo badan oo ku aadan sanadka cusub uga diraysaa dhamaan xubnaheeda iyo saaxiibadeeda kala duwan meel kastoo ay dunida ka joogaan. Waxaan idiin rajeneynaa farxad, guul, barwaaqo iyo midnimo waarta in aad ku qaadataan sanadka cusub ee 2015-ka.
Sanadka 2014-ka wuxuu ahaa sanad isbadalo muuqda laga sameeyay howlaha guud ee ururka marka loo eego sanadkii ka horeeyay. Waxaa kaloo xusid mudan in ay jireen caqabado kale oo uu ururku la kulmay mudadaasi.
Xubnaha maamulka iyo dhamaan xubnaha kale ee sida iskaa-wax-u-qabsada ah ugu adeegayay bulshada Soomaaliyeed waxaa mar waliba ka go’neyd xaqiijinta ahdaafta ururku uu ku dhisan yahay iyo fulinta howlaha baaxada leh ee horyaala ururka.
Waxqabadka ururka wuxuu mar walba ku saleysan yahay aragtida guud iyo baahida bulshada Soomaaliyeed iyo weliba bartilmaameedka ama istaraatiijiyada guud ee ururka. Xubnaha maamulka marnaba kama aysan gaabin in ay u guntadaan ka miro dhalinta howlahaasi hase yeeshee sida aad la socotaan dhaqaalaha ururka oo ah mid cadhiidhi ah ayaan saamaxeyn in si buuxda loo fuliyo qorshayaasha ururku uu hiigsanayo in uu fuliyo amaba gaaro.
Guud ahaan daladdu waxay hiigsaneysaa ujeedooyin badan kuwaas oo loo arko kuwo muhiim u ah bulshadeena Soomaaliyeed. Hase yeeshee waxaa mudan in maskaxda lagu hayo mudnaanta ah in la wada-shaqeeyo loona hiiliyo mar kasta danta guud ee inaga wada dhaxeysa taas oo ah in si cad oo xilkasnimo ku dhisan loo arko loona garowsado.
Marka aanu dib u milicsano marxaladihii kala duwanaa ee ay jaaliyaddu soo martay, halka ay maanta mareyso iyo halka ay tiigsaneyso, waxaa cad in dhabihii toosnaa lagu socdo. Xaqiiqdii dhabahaasi lama gaari karo hadii aan si niyadsami iyo kalsooni ku dhisan gacmaha la isku qabsan waayo dhibaatooyinka iyo caqabadaha aan dooneyno in aan ka gudubno ma ahan kuwo si gaar gaar ah looga gudbi karo.
Waxaan ku faraxsanahay in aan idiinla wadaagno in aan diyaar u nahay una taagan nahay in aan bulshadeena si daacadnimo iyo cadaalad ku dhisan ugu adeegno inta ay aqoonteena, khibradeena iyo awoodeenuba na bideyso. Waxaan aaminsanahay in aad idinkuna nala shaqeyn doontaan si xilkasnimo iyo caqliyad saliim ah ku dhisan si aan u wada gaarno himilooyinka aan bulsho ahaan hiigsaneyno.
Ugu dambeyn, waxaan u mahadcelinaynaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Galbeedka Finland, ururadii iyo shaqsiyaadkii sida hagar la’aanta aheyd noola shaqeeyay. Waxaan idiin leenahay waad ku mahadsantihiin wadashaqeynta iyo taageerada aad noo muujiseen.
Waxaan mar kale idiin rajeyneynaa sanad kheyr qaba!
Xubnaha maamulka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galbeedka Finland.