Na Weydii?

Ma rabi laheyd in aad hesho warbixino la xiriira arrimaha hoos ku xusan sida:

  • deeqaha dhaqaale ee arrimo-bulshadeedka
  • arrimaha sharciga degganaansha iyo dalbashadda jinsiyada finnishka
  • arrimaha deeggaanka
  • talooyin iyo tusmooyin ku aadan dhanka waxbarashadda
  • talooyin ku aadan sharciyada kala duwan ee dalkan ka jira
  • talooyinka la xiriira ubadka iyo arrimaha badbaadadda carruurta
  • talooyin ku aadan caafimaadka suubban
  • talooyin guud iyo gaar ahaaneed oo la xiriira arrimaha bulshadda
  • talooyin ku aaddan arrimaha qoyska
  • talooyin la xiriira dhowrashada iyo horumarinta dhaqankaaga suubban
  • talooyin ku aaddan la qabsashada nolosha dalkan
  • talooyin ku aaddan shaqada iyo helitaankeeda
  • talooyin ku saabsan carqaldaha nololeed ee culus sida:
    • mushkilad deg-deg ah
    • cunsuriyad iyo faquuq
    • faldenbi
    • dagaal iyo jirdil laguu geystey
    • baahi qareen/lowyer
    • uga baqis ubadkaaga denbiyada ay galaan carruurta/dhalinyarada
    • baahi turjubaan luuqada ah

Dhamaan adeegyadan kala duwan waxaa diyaar kuula ah in si mutawacnimo ama bilaash ah kaaga caawiyaan howlwadeenada jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galbeedka Finland. Nagala soo xiriir telefoonada ku xusan boggeena internetka ama nagu soo booqo xarunta ururka.

%d bloggers like this: