Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galbeedka Finland waxay maalinta beri ah oo ay taariikhdu ku began tahay 15-ka may qabaneysaa koob si gaar ah loogu maamuusayo xuska munaasabadda maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.
Munaasabadda xuska 15-ka May waxay ka mid tahay maalmaha ugu muhiimsan taariikhda Soomaalida.15-kii May sanadkii 1943 ayeey aheyd markii 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ay aas’aaseen ururkii gobanimo doonka ahaa ee SYL, waxaana ka soo wareegtay 72 sano iyadoo maalintaasi loo aqoonsaday maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed.
Sidaasi daraadeed jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galbeedka Finland waxay soo qaban qaabisay koob kubadda cagta ah oo si gaar ah loogu weyneynayo maalintaasi.
Cayaaraha waxay ka dhacayaan garoonka Parkinkenttä.
KASOO QEYB-GAL WACAN