Waxaa maanta lagu qabtay magaalda Turku tartan kubada cagta ah kaas oo si gaar ah loogu maamuusayay xuska munaasabadda maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May. Tartanka oo ay soo qabanqaabisay Daladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galbeedka Finland ayaa waxaa kasoo qeyb galay afar kooxood oo qaab is-arag ah u cayaaray waxaana tartanka ku guuleystay kooxda FC Junior ee uu hogaamiyo isla markaana macalin ka yahay tababare sare Liibaan Cali.
Gabagabadii tartanka ayaa waxaa hadalo ku aadan taariikhda iyo qiimaha ay maalintan ku fadhiso kasoo jeediyay halkaasi aqoonyahanad Faadumo Maxamad Maxamuud, aqoonyahan Cabdiwahab Kaahiye, madaxa sports-ka jaaliyadda Cabdinaasir Cumar iyo sidoo kale gudoomiyaha jaaliyadda Maxamad Khaliif.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Galbeedka Finland waxay hambalyo ku aadan munaasabadan u direysaa dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.