Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay Daladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galbeedka Finland ayaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin muhiimadda midnimada iyo isku-duubnida bulshadu leedahay, wadaniyadda iyo Soomaalinimada, waxbarashada, dhalinyarada, diinteena suuban iyo weliba dhaqankeena Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa kulankaasi diiradda lagu saaray sidii loo hormarin lahaa xiriirka iyo wada-shaqeynta qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ururka jaaliyadda Soomalida iyadoo kulanka lagu turxaan bixiyay arimo badan la iskuna weydaarsaday fekrado badan oo wax ku ool ah oo ay bulshadu soo jeedisay.
Kulanka ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin iyo aqoonyahano kala duwan iyadoo ay inoo aheyd sharaf weyn in kulankaasi ay nagala soo qeyb galaan wafdi iyo mas’uuliyiin miisaan weyn leh oo ka socda masjidka Islaamka Helsinki. Wafdigaasi oo uu hogaaminayay Sheekh Cabdirisaaq Sugule ayaa waxaa halkaasi hadalo qiimo iyo qiiro leh kasoo jeediyay Sheekh Cabdirisaaq Sugule oo ku fogaaday qiimaha ay midnimada iyo is-taagerida bulshadu leedahay isagoo sidoo kalana tibaaxay muhiimadda ay waxbarashadu leedahay isagoo ku booriyay dhlinyarada in ay waqtigooda cabiraan oo ay ka faa’ideysaan fursadaha waxbarasho ee yaala dalkan isagoo sidaasi si la mid ahna ku booriyay dhalinyarada cabsida ALLE iyo ku dhowrsanaanta diinteena suuban ee Islaamka.
Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Calas Cali oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Turku, Xaaji Wacdi Aadan, Cabdisalam Ismaaciil, Cabdulaahi Fahad, Cabdullaahi Suldaan, Jaamac Ismaaciil, Maxamad Ibraahim iyo C/khaaliq M. Yalaxow waxayna dhamaantood ku dheeraadeen wacyiga ay Soomaalida dalkan ku sugan tahay iyo doorka ama kaalinta ka bulsho ahaan nalooga baahan yahay sidii aan ula jaan-qaadi laheyn isbadalada dhaqan-dhaqaaleed, siyaasadeed iyo bulsho ee ka dhacaya dalkan kuwaas oo saameyn ku yeelanaya nolosha iyo mustaqbalka Soomaalida ku dhaqan dalkan.
Ugu dambeyntii, maamulka jaaliyadda ayaa uga mahadceliyay dhamaan kasoo qeyb-galayaashii kulanka sida wanaagsan uga soo qeyb-galeen kulanka una muujiyeen afkaarahooda kala duwan. Xubnaha maamulka ayaa sidoo kale mahadnaq gaar ah u jeediyay martidii iyo wafdigii ballaarnaa ee ka socday masjidka Islaamka Helsinki.