Munaasabadii 8-aad ee qalinjebinta ardayda iyo abaalmarinta shaqsiyaadka sanadka oo lagu qabtay magaalada Turku

Munaasabadii 8-aad ee qalinjebinta ardayda iyo abaalmarinta shaqsiyaadka sanadka iyo weliba muxaadarooyin aad u qiimo badan ooy soo jeediyeen culimada kala ah Sheekh prof. Saciid Raage iyo Sh. Dr. Cali Maxamed Saalax ayaa shalay oo ay taariikhdu ku beegneyd 30.5.2015 lagu qabtay magaalada Turku.

Munaasabadaas oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galay bulshada qeybaheeda kala duwan, mas’uuliyiin, macalimiin, waalidiin iyo martisharaf kale waxaana halkaasi abaalmarino kala duwan lagu guddoonsiiyay in ka badan 50 arday kuwaas oo kasoo qalinjebiyay waxbarashada heerarkeeda kala duwan ilaa heerka jaamacadeed.

Munaasabadan oo aheyd mid aad u balaaran ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin, aqoonyahano iyo waxgarad ay ka mid yihiin guddoomiyaha jaaliyadda oo daah furay munaasabadda iyo aqoonyahan Muxiyadiin Xirsi oo si qoto dher leh uga hadlay nidaamka waxbarada, doorka waalidiinta iyo bulshada ee xagga waxbarashada iyo dadaalka looga baahan yahay ardayda Soomaaliyeed ku dhaqan dalka Finland isagoo intaasi sii raaciyay in loo baahan yahay la mideeyo dadaalada kala duwan ee xagga waxbarashada iyo in loo baahan yahay in la dhiso guddiyo tayo leh oo ka shaqeeya arimaha waxbarashada khuseeya si loo abuuro wada-shaqeyn xoogan oo u dhaxeysa bulshada Soomaalida iyo hay’adaha waxbarashada dalkan. Sidoo kale waxaa ka hadlay munaasabadda Xaaji Wacdi Aden oo ku hadlayay magaca waxgaradka magaalada isagoo aad ugu amaanay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan galbeedka Finland sida ay xil gaar ah isaga saaraan dhiira-gelinta waxbarashada ubadkooda waxa uuna hambalyo iyo bogaadinba u diray dhamaan ardaydii kasoo qalinjebisay waxbarashada heerarka kala duwan iyo waalidiintoodaba.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka hadlay imaamka magaalada Sheekh Aden Gadiid oo si diiran ugu soo dhaweeyay culumada magaalada Turku isagoo dhinaca kalana uga mahadceliyay booqashadooda iyo cilmiga ay walaalahooda Soomaaliyeed la qeybsanayaan.

Dhanka kale, waxaa munaasabadda lagu abaalmariyay shaqsiyaadka sanadka 2015 waxaana sanadkan shaqsiyaadka sanadka loo aqoonsaday Roodo Xasan, Rooble Cabdi Yuusuf (Dayib), Ugbaad Cabdiwahaab Kaahiye iyo Sakariye Xuseen Faarax oo dhamaantood muujiyay karti iyo dadaalo dhinacyo badan leh. Sanad walba waxaa abaal marinta shaqsiyaadka sanadka la guddoonsiiyaa shaqsiyaad naftooda ama bulshadooda wax wanaagsan oo ku dayasho iyo mudnaan in la siiyo u horseeday.

Sidoo kale waxaa munaasabadda bilado lagu guddoonsiiyay kooxdii ku guuleysatay tartankii K/C ee maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee FC Junior iyo macalinkooda Liibaan Cali oo isla markaasina ahaa xiriiriyaha munaasabadda iyo sidoo kale waaya-arag Faadumo Maxamad Maxamuud oo iska laheyd qabanqaabada koobka 15 May.

Ugu danbeyn Dalladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galbeedka Finland waxay u mahadcelineysaa dhamaan intii kala shaqeysay qabanqaabada munaasabadda gaar ahaan ururka dhalinyarada Kanava ee Turku kaalintii mugga laheyd ee uu ka qaatay ku marti-gelinta munaasabadda culumada Sheekh prof. Saciid Raage iyo Sh. Dr. Cali Maxamed Saalax.

 

Kuvaesitys vaatii JavaScriptin.

%d bloggaajaa tykkää tästä: