Horyaalka kubadda cagta ee heerarka koowaad iyo labaad ee kuleylaha iyo ramadaanka ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Turku garoonka Parkinkentta.
Horyaalka oo billowday galinkii dambe ee jimcaha ayaa waxa cayaartii furitaanka ku baratamay kooxaha Runosmäki iyo FC Red waxaana 9-4 ku ku adkaatay kooxda Runosmäki.
Tartankan horyaalka kubadda cagta ee kuleylaha oo sanad kasta ay qabato daladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee galbeedka Finland ayaa sanadkan socon doona illaa dabayaaqada bisha ramadaanka.
Kulamada iyo natiijooyinkooda kala soco galab kasta bogga jaaliyadda ee Facebook-ga.