Shirweynaha cusub ee doorashada hoggaanka jaaliyadda oo dhici doono 29.12.2016.

WARGELIN IYO XASUUSIN:

Maamulka dallada jaaliyadda Soomaaliyeed ee galbeedka Finland wuxuu ku wargelinayaa isla markaana xasuusinayaa dhamaan xubnaha ururka in shirweynahii doorashada ee ururka lagu celin doono maalinta beri oo khamiis ah, taariikhduna ku beegan tahay 29.12.2016 saacadda 17:30 galabnimo isla goobtii lagu qabtay shirkii kan ka horeeyay (Vanha Hämeentie 105, 20540 Turku) 

Codeynta waxaa ka qeyb gali kara oo kaliya xubnaha bixiyay lacagta xubinimada ee sanadkan taas oo waqtigeedu ku ekaa 20.12.

Arimaha shirka loo codeyn doono waxaa ka mid ah:

1. In mudada maamulku shaqeynayo lagu daro mudoo 2 sano ah si waxqabadka ururku u noqdo mid tayo sare leh.

2. In xubinimada sanadka laga dhigo 20 euro.

3. In xubnaha maamulka ay haraan ugu yaraan 3 xubnood mar kasta oo maamul cusub la dooranayo si howlaha ururka aanay habacsanaan u galin isla markaana ay shaqada u baraan xubnaha kale ee maamulka cusub.

4. In dastuurka ururka la cusbooneysiiyo isla markaana la ansixiyo sanad kadib.

Shuruudaha laga doonayo musharixiinta waxaad ka heleysaa halkan.

 

-Dhamaad-

%d bloggers like this: