Shir-gudoonka doorashada oo maanta soo saaray shuruudaha doorashada ee musharixiinta.

Shir-gudoonka doorashada ee shirweynaha doorashada maamulka cusub ee daladda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galbeedka Finland wuxuu maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 11.12.2016 soo saaray shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta maamulka cusub ee jaaliyadda. Musharixiinta waxaa laga codsanayaa in ay kusoo gudbiyaan araajidooda musharaxnimo emailka gudiga doorashada ee lansisuomensomaliseura.vaalit@gmail.com  sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dambeyn 18.12.2016 saacadda 16:00 galabnimo.

Sharuudaha murashaxiinta looga baahan yahay:

  1. Inuu uu xubin ka yahay ururka isla markaana bixiyay lacagta xubinimada ee sanadkan.
  2. Inuu yahay  Muslim.
  3. Inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed da’diisuna aysan ka yareyn 20 sanno.
  4. Inuu leeyahay aqoon jaamacadeed, dugsi sare/dhexe ama dugsiga farsamada.
  5. Inuu leeyahay waayo-aragnimo shaqo iyo maamul ug yaraan 2 sanno (guddoomiyaha, xogheynta iyo hanti-dhowraha).
  6. In uu si wanaagsan ugu hadlo isla markaana u qori karo luuqadda Finnishka (guddoomiyaha, xogheynta iyo hanti-dhowraha).
  7. Inuu caafimaad ahaan dhimir qaba, gudan karana waajibaadkiisa shaqo.
  8. Inuu yahay shaqsi xilkas ah, firfircoon, dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisuna wanaagsan tahay isla markaana daacad u ah bulshadiisa.
  9. In uusan dalka dembi ka gelin cadeyna looga baahan yahay hadhoow.
  10. Inuu uu degaan ku ahaa dalka saddexdii sano ee ugu dambeysay.

 Musharixiinta waxaa ka reeban qodobada hoos ku qoran:

  1. In musharaxa soo gudbiyo xog been ah ama khaldan.
  2. In uusan aaminsaneyn afkaaro ka hor imaanaya dastuurka iyo xeerarka ururka.
  3. In uusan musuqmaasuq adeegsan karin si uu damaciisa u gaaro.

Wa billaahi towfiiq.

Wixii macluumaad dheeri ah fadlan kala xiriir gudiga doorashada emailkan:

lansisuomensomaliseura.vaalit@gmail.com

%d bloggers like this: