Xaflad lagu taageerayay hogaanka cusub ee Soomaaliya isla markaana loogu gurmanayay abaaraha Soomaaliya oo lagu qabtay Turku.

 

Munaasabad lagu soo dhaweynayay doorashadii madaxweynaha jamhuuridda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda kale ee dalka ayaa 10.3 lagu qabtay magaalada Turku. 

Munaasabadan oo ay soo qabanqaabisay jaaliyadda Soomaaliyeed ee galbeedka Finland ayaa waxaa kasoo qeyb galay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan iyo marti sharaf kale oo dalkan Finland. Munaasabdda waxaa khadka telefoonka uga soo qeyb galay ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee aqalka sare mudane Mowliid Xuseen Guhaad iyagoo ku booriyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan galbeedka Finland in ay gacan weyn ka geystaan gurmadka abaaraha Soomaaliya iyadoo baaqaasina ay bulshada Soomaaliyeed ee galbeedka Finland qaateen iyadoo isla kulankaasi ay bulshada kaga dhawaaqday si rasmi ah olole gurmad ah oo loogu magac daray ololaha ”Hiil Qaran”.

Waxaana munaasabada soo dhaweynta iyo gurmadka ah ka hadlay mas’uuliyiinta maamulka jaaliyadda, odoyaal dhaqameedka, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, haweenka iyo dhalinyarada. Munaasabadda waxaa sidoo kale marti sharaftii ka hadashay ka mid ahaa guddoomiyaha xisbiga midnimada qaran ee Turku Sini Ruohonen iyadoo bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeysay guushii laga gaaray doorashadii ka dhacday Soomaaliya, iyadoo sidoo kalana ku boorisay bulshada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan doorashooyinka golaha deegaanka ee sanadkan 2017 dhacaya. 

Kuvaesitys vaatii JavaScriptin.

 

%d bloggers like this: