Shirweynaha Cafis oo ka furmaya Turku 5.-6.7.2017

Magaalada Turku waxaa ka furmaya5.-6-7 shirweyne loogu magac daray ”Cafis” kaas oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen Daladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Galbeedka Finland, magaalada Turku, Guddigga Difaacayaasha Nabadda ee Finland, Ururka saaxiibtinimada Finland-Soomaaliya iyo rugta CAFIS. Shirweynaha Cafis waa olole lagu doonayo in dadka Soomaalida ah meelkasta oo ay joogaan loo sameeyo madallo iyo fursado ay kaga qeyb-qaadan karaan dib-u-heshiisiinta iyo is cafinta umadda Soomaaliyeed, si dalkooda ay nabad uga dhigtaan wixii dhacayna ay isaga cafiyaan.

Shirweynahan oo ah kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ee wadankan Finland lagu qabto ayaa waxaa labada maalmood oo uu socdo lagu soo bandhigi doonaa doodo cilmiyeysan iyo kuwa furan, barnaamijyo iyo tusaalooyin tayeysan oo gundhig fiican u noqon kara dadaalada socda iyo barnaamijyada dib-u-heshiisiineed ee mustaqbalka.

Waxaa madasha shirka ka soo qeybgeli doonaa khubaro Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah oo ka kala iman doonta gudaha Finland iyo dibaddaba.

Shirka wuxuu u furan yahay dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo cid kasta oo daneyneysa. Faah-faahin dheeraad ah kala xiriir qabanqaabiyayaasha madasha:

Barnaamijka shirka English

Cinwaanka goobta shirka:  Linnankatu 80, 20100 Turku/Hoolka Brugman

Faah-faahin dheeraad ah kala xiriir:

Yusuf Mubarak: +358 (0) 40 522 3958
Sagal Kahie:+358 (0) 40 025 7170
Wali Xaashi:+358 (0) 40 081 5453
Abdimuse Mohud :+358 (0) 44 271 8655
Abdishakur Ali :+358 (0) 40 037 5017

%d bloggers like this: