Jaaliyadda

Maxay tahay kana shaqeysaa jaaliyadda?

Jaaliyaddu waxay u shaqeysaa oo ay matashaa bulshadda ku nool magaalada Turku iyo nawaaxigeeda.  Ujeedada ay u taagan tahay waa matalida iyo ka shaqeynta danaha Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Turku iyo nawaaxigeeda.

Taariikh ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee galbeedka Finland waxay ka mid tahay jaaliyadaha ugu faca weyn jaaliyadaha ka jira wadankan. Waxaa  la diiwaan geliyay sanadkii 2007, xiligaasi kadibna jaaliyaddu waxay soo martay marxalado iyo is-badalo kala duwan oo hadba la jaan-qaadayay waqtiga jira. Hadafka guud ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee galbeedka Finland waa ilaalinta iyo sare-u-qaadista jiritaanka iyo midnimada asalka ah ee mushtamaca Soomaaliyeed ee ku dhaqan Galbeedka Finland.

Maamulka jaaliyaddu waxaa uu ka kooban yahay todoba (7) xubnood oo ka kala yimaada bulshada qeybaheeda kala duwan waxaana lagu doortaa nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan xornimo iyo cadaalad. Maamulka waxaa ay haynayaan mas’uuliyadda muddo labo sano kadibna waxay ku wareejinayaan mas’uuliyaadda cid kasta oo mudadaasi kadib loo doorto in ay hogaanka u qabtaan maamulka jaaliyadda. Maamulka jaaliyadda waxay ku shaqeeyaan qaab iskaa wax u qabso ah (voluntary).

Jaaliyaddu wey ka madax banaan tahay siyaasad iyo qabyaalad, hadfkeeduna waa xaqiijinta danaha, midnimada iyo jiritaanka bulshada. Jaaliyadda waa mid si buuxda u shaqeysa waxayna u qabataa adeegyo kala duwan bulshada Soomaaliyeed.

Adeegyada iyo arimaha ay jaaliyaddu ka shaqeyso waxaa ka mid ah:

  • Matalida bulshada soomaaliyeed.
  • Kala shaqeynta hay’adaha dowladda iyo hay’adaha kale arimaha khuseeya bulshada Soomaalida.
  • Tilmaamo iyo talooyin ku saabsan arrimaha sharciyada dalkan.
  • Sare-u-qaadista magaca iyo sumcadda bulshada.
  • Taageeridda iyo kor u qaadista is-dhexgalka iyo fahamka dhaqamada kala duwan iyo dulqaad kuwada noolaanshaha.
  • Bixinta talooyin iyo taageero ku aadan waxbarashada qeybaheeda kala duwan.
  • Xoojinta iyo dhiiragelinta fir-fircoonida dhalinyarada gaar ahaan sidii door muuqda ay ugu lahaan lahaayeen bulshada.
  • Sare-u-qaadista wacyiga iyo kaalinta haweenka.
  • Waanwaanta iyo wanaaga bulshada.
  • Isku-xirka iyo abaabulka bulshada qeybaheeda kala duwan.
  • Hormarinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
  • Dhiiro-gelinta sports-ka.